Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo safiirada geeyay goobaha dadka daadadka ku barakacay

0
121

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa
geeyey Safiirrada Turkiga, Shiinaha iyo xafiiska Qaramada ee Soomaaliya goobaha ay ku
sugan yihiin dadka ka soo barakacay roobabka iyo daadadka ka jira deegaannada Jubaland
ee ku sugan duleedka magaalada Kismaayo, si ay ula arkaan baaxadda dhibaatada ay
daadadku geysteen.

Ra’iisul wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Danjireyaasha dalalka Turkiga, Shiinaha iyo
xafiiska Qaramada Midoobey sida degdegga ah ee ay ku soo gaareen deegaanka oo uu
ugu yeeray.

Awke Ali Awil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here