R/wasaare Kheyre oo ku baaqay in Bulshada laga wacyi-galiyo COVID-19

0
321

Muqdisho-(Idaacadda Waamo)-Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xasan Cali Kheyre ayaa guddoomiyey shirka guddiga qaran ee kahor tagga COVID-19 oo looga hadlay dardargelinta  wacyi-gelinta cudurka faafa ee Coronavirus.

Barnaamijyadan ayaa la sheegay in bulshada lagu fahamsiinayo khatarta, iyo sida looga gaashaaman karo xanuunka COVID-19, si loo yareeyo faafitaanka Cudurkan.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xubnaha guddiga kula dardaarmay inay xoojiyaan howlaha ka hor tagga cudurka Coronavirus, isla markaana ay fuliyaan tallaaba kasta oo ay u arkaan in looga hortegi karo.

Dowladda Soomaaliya ayaa inta karaankeed ah la tacaaleysa cudurka  Coronavirus, xilliga gudaha Soomaaliya laga diiwaan geliyey in ka badan 390-kii oo xanuunkaas ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here