R/wasaare Khayre oo khadka Taleefanka kula hadlay dhiggiisa Kuwait

0
318

Muqdisho(Idaacadda Waamo)Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo amiirka Dalka Kuwait ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dowladood.

Mudane Xasan Cali Khayre raiisul wasaaraha Dalka iyo Sheekh Sabaax Khaled Al-Xamad Al-Sabaax amiirka wadanka Kuwait oo khadka telfoonka ku wada hadlay ayaa waxaa ay isla soo hadal qaadeen iskaashiga Labada dal,gaar ahaan dhinacyada amniga,dhaqaalaha,siyaasadda iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Intii uu socday wada hadalka labada dhinac qadka telfoonka ahaa ayaa waxaa ay sidoo kale ay ka wada hadleen sidii Dowladda Kuwait ay Dowladda Soomaaliya uga garab siin lahayd la dagaalanka cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Dowladda Kuwait ayaa ka mid ah wadamada Jaamacadda Carabta ee xiriirka iyo wax wada qabsiga uu kala dhexeeyo Soomaaliya,waxaana wada hadalkan uu imaanayaa iyadoo Dowladda Soomaaliya ay dadaal xoogan ay ku bixinayso sidii looga hortagi laha fiditaanka Covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here