Qolal lagu soo kordhiyay Iskuulka Kudhaa oo xariga laga jaray

0
53

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland mudane Mukhtaar Kaamil Kuuloow ayaa xariga ka jaray qolal cusub oo lagu soo kordhiyay iskuulka hoose dhexe ee deegaanka Kudhaa oo hoos taga degmada badhaadhe ee Gobolka Jubada hoose.

Qolalka cusub lagu sokordhiyay iskuulka oo ay dhiseen ciidamada ATMIS ayaa waxa munasabadisa xarig jarka kaso qeyb galay saraakiil ka tirsan ciidanka ATMIS maamulka deegaanka Kudhaa iyo Maamulka iskuulka kuwaas oo siweyn usoo dhaweeyay talaabadan dhismaha loogu soo kordhiyay iskuulka deegaanka.

Mowliid Abdi Kulmiye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here