Qofkii ugu horeeyey ee qaba cudurka Coronavirus oo lagu arkay dalka Masar

0
314

Qaahira(Idaacadda Waamo)Wasaarada caafimaadka Masar iyo hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa warbixin wada jir ah oo ay soo saareen ku shaaciyey in qofkii ugu horreeyey ee qaba cudurka Coronavirus laga helay dalka oo qofkaasina yahay qof ajnabi ah oo dalka yimid.

Warbixintu waxay sheegtay in baadhitaannadii lagu sameeyey dad kale oo lagu arkay calaamadaha cudurkaas lagu ogaaday “in aanay qabin cudurka”.

Qoraalkaa wada jirka ay u soo saareen wasaaradda iyo hay’addu muu cadaynin qofkaa laga helay cudurka ee ajnabiga ah jinsiyaddiisa iyo inuu lab ama dheddig yahay toona iyo sidoo kale goorta uu dalka soo galay iyo goobta uu joogay toona.

Saraakiisha caafimaadka ayaa qofkaa laga helay cudurka ku qaaday dhooli gaashaaman oo ku geeyey Isbitaal meel gaara ah keligii la dhigay oo lagula tacaalayo xaaladiisa caafimaad.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in qofkaas haatan “xaaladiisu wanaagsantahay”.

Wasaaradda caafimaadka Masar waxay sheegtay in ay dhaqan gelisay “tallaabooyin adag oo ka hor tag ah oo dadkii qofkaa la joogay iyagana la karantiimeeyey si looga baadho cudurka hase ahaatee baadhitaankii cadeeyey in aanu viruskaasi ku dhicin. Waxaanay intaa ku dartay in dadkaa iyo goobihii ay deganaayeen ba muddo 14 maalmood ah karantiimayn lagu hayn doono taas oo ah mudada lagu ogaado in virusku bii’addaa ku jiro iyo in kale iyo in sidoo kale dhismahii ay dadkaasi ku jireen la buufiyey”.

Dr Khaalid Mujaahid oo ah la taliyeha wasiirka wasiirka caafimaadka ee arimaha warbaahinta oo ah af-hayeenka rasmiga ah ee wasaaradda, ayaa cadeeyey in wasaaradu ku guulaysatay baadhitaanka oo ay ogaatay qofkii ugu horreeyey oo ajnabi ah dalka soo galay ah in laga helay cudurka coronavirus.

Madaxa xafiiska WHO ee dalka Masar ayaa warbixintu soo xigatay in uu yidhi “Masar waxay ka mid tahay dalalkii ugu horeeyey ee heeganka galay isla markaana meel mariyey talaabooyinka ka hortagga iyo wax ka qabashada cudurkaasi, waxaanay sidoo kale Masar ka mid tahay dalalka ugu horeeyey gobolka Bariga Dhexe ee ay hay’addu ugu deeqday agabka baadhitaanka ee lagu ogaado cudurkan coronavirus ee dhawaan dillaacay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here