QM oo Warbixin kasoo saartay Fatahaadaha iyo daadka Soomaaliya

0
318

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Daadad  ay sababeen roobab xilliyeedka ayaa saameeyey ku dhawaad ​​191,800 oo qof oo ku nool gudaha Soomaaliya tan iyo bilihii May iyo Luulyo, taasoo ay ka dhalatay  dhibaato bina-aadamnimo oo ka jirta gobollada ay dhibaatadu saameysey, sidda ay sheegtay OCHA.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isuduwidda Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa sheegay  in dadkaasi ay barakiciyeen daadad ilaa dhamaadkii bishii lasoo dhaafay ka socday meelo ka mid ah Soomaaliya.

“Meelo badan oo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, roobabka Xagaaga ee socda ayaa ka culus kuwii hore, iyagoo wata dabeylo xoog leh , islamarkaana uu  heerkul hooseyo  ”  OCHA  ayaa ku sheegtay warbixinteedii ugu dambeysay ee daadadka.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in meelaha daadka iyo Fatahadaha ay samaayeen ay ka mid yihiin Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Heerarka  biyaha webigga Shabeelle oo loo kuurgalay  la filayaa inay sii wadaan fatahaadaha usbuuca soo socda kadib roobabkii la saadaaliyay.

OCHA ayaa sheegtay in ku dhawaad ​​147,579 hektar oo dhul beereed ah ilaa 100 tuulo oo ka kala tirsan degmooyinka Balcad, Jowhar iyo Mahaddaay ay biyaha la tageen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here