Qiimaha lagu kala iibsaday Eeygan ayaa jabiyay rikoor horey u yaallay

0
226

Eey ah nooca ilaaliya ama raaca Idaha ayaa jabiyay rikoorka eeyga ugu qaalisan caalamka.

Eeygan ayaa waxaa lagu iibiyay 36,000 oo doolar oo ah qiimihii ugu sareeyay ee eey lagu kala iibsado caalamka.

Eeygan 12 bilood jirka ah ayaa lagu magacaabaa Kim, isla markaana waxaa tababaray Dewi Jenkins oo ku sugan magaalada Talybont, ee u dhaw degmada Aberystwyth ee dalka UK.

Qiimaha eeyada lagu iibsado caadiyan ayaa ah ku dhawaad 2,700 oo doolar.

Mr Jenkins ayaa farta ku fiiqay in eeyga lagu magacaabo Kim la iibiyay maalmo uun ka hor sanad guuradii kowaad ee dhalashadiisa.

Eeygan lacagta badan lagu iibiyay ayaa lagu kala iibsaday qaab xaraash ah oo dhanka internet-ka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here