Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Xilli lagu gudo jiro bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa bulshada Kismaayo iibsadaan Qaraha iyo Batiiqa oo uu booskooda gashadeen Cambaha iyo Babaayga oo waayadii dambe aad loo waayey, waxaana bulshada ay u isticmaalaan Cabitaanada.
Abdirahiim Deck ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.