Qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweyne Lafta-gareen oo ka socata Diinsoor

0
340

Diinsoor(Kismaayo)Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in degmada Diinsoor ee Gobolka Baay inay gaaraan wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen.

Ilo xog-ogaal ah oo ka tirsan Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in u jeedka Safarka Madaxweyne laftagareen ay tahay in uu ka qeyb galo Xaflad lagu Caleema saarayo Maamulka Cusub ee degmada Diinsoor oo ay dhawaan doorteen Golaha deegaanka Degmadaas.

Ammaanka Magaalada Diinsoor ayaa aad loo adkeeyey,waxaana wadooyinka degmadaas lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed oo sugaya Ammaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here