Qaar kamid ah Wariyaasha ka hawl gala Kismaayo Tababar loo qabtay

0
286
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaliyeed ee NUSOJ ayaa Maanta Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose Ka furay Tababar ku saabsan hab-raaca Saxaafadda ee loogu talo galay soo tebinta rabshadaha ku salaysan tacadiyada jinsiga waxaana tababarka kasoo qeyb galay 45 Wariye oo isugu jira wiilal iyo gabdho.
Munaasabaddii furitaanka Tababarka ayaa waxaa kasoo qeybgalay Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Jubbaland Mudane Sheikh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Jubbaland, Agaasimaha Maamulka & Maaliyadda Wasaaradda Haweenka Jubbaland iyo Martisharaf kale.
Tababarkaan oo mudo labo maalin ah socon doono ayaa waxaa si wada jir ah u qabtay Wasaaradda haweenka iyo Horumarinta xuquuqda Aadanaha Soomaaliya iyo Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ oo taageero ka helaye Hay’ad UNFPA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here