Qaar kamid ah Gabdhaha waxbartay ee ku nool Magaalada Kismaayo oo Ka Cabanaya shaqa La,aan haysata .

0
366

Kismaayo(Idaacada Waamo)Waqtigaan waxaa laga gudbay xiligii la oran jiray Gabdhaha Soomaliyed wax ma bartaan oo Inta badan gabdhu waxaa ay ku dadaalan Sidii ay waxbarshada uga gaarilahayeen heer Wanaagsan .
Balse waxaa jira Caqabado kale oo ay la kulmaan gabdhuhu marka ay waxbarashada dhamaystaan  ayna kamid tahay Shaqa la,aanta haysata  gabdhaha intooda badan .
Inta badan  xarumaha shirkadaha waa wayn ee ganacsiga ,Haya adaha iyo Xarumaha Dowlada Intaba gabdhuhu kuma lahan door wanaagsan  marka laga hadlayo dhanka shaqalaysiinta .
Hadaba waa kuwaan qaar kamid ah gabdhaha ku nool Magaalada kismaayo  oo ka hadlay haqa la,aanta haysta  waxaa ayna qaar kood shegeen in Gabdhaha awal  lagu edayn jiray in aysan Wax baran balse hatan xaalku sidaas ka duwanyahay oo gabdhihi ayago waxbartay ay guryaha Iska fadhiyaan  waxaa ayna codsadeen in laga shaqalaysiiyo  shirkadaha waa wayn ee ganacsi iyo Xarumaha dowlada intaba .
Shaqa la,aanta haysata gabdhaha aqoonta leh ee guryaha iska jooga waxa ay Niyad jabin kartaa   gabdhaha kale ee ku guda jira waxbarashada  waxaana haboon in gabdhaha aqoonta leh la tixgaliyo Si ay hormuud ugu noqdaan kuwa kale ee waxbarashada ku jira.R/W,Xamdi Maxamed Yaasiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here