Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-In ka badan 30 wariye oo ka mid ah saxafiyiinta ka hawl-gala Magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda ayaa maanta loo soo xiray Tababar socday muddo labo maalin ah oo lagu baranayay Xoriyada hadalka iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta Boliiska iyo Wariyayaasha.
Tababarka oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee FESOJ oo kaashanaya Hay’adda Vikes ee fadhigeedu yahay dalka Filand ayaa waxaa ka soo qayb galay saraakiil ka socday Boliiska Jubbaland kuwaas oo ay wariyayaashu waaydiiyeen su’aalo ku saabsan sida ay ula shaqeeyaan warfidiyeenada gaar ahaan xiliyada ay doorashooyinku jiraan .