Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Jubbaland oo bulshada Soomaaliyed u diray fariin ku aadan Cafiska

0
271

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Markii uu dalku bur-buray sanadkii 1991 kii waxaa  dadka Soomaliyeed soo foodsaaray dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin ax,barakac iyo dagaalo sokeeye,dad badan ayaa waqtigaas dalka ka hayaamay si ay u helaan nabad iyo xasilooni.

In kastoo hada xaalada dalkeena ay tahay mid wanaagsan lagana soo kabanayo bur-burkii iyo dhibaatooyinkii dalka ka dhacay 30 sano ka hor ayaa hadana waxaa lagama maar maan ah in bulshada soomaaliyeed ay isu cafiyaan iyo si loo xoojiyo jiritaan bulsho is jecel oo isku xiran kuwaas oo ka qayb qaata dhimaha dowlad wanaagsan iyo horumarada kala duwan ee  dalka ka jira.
Hadaba iyadoo maalin ka hor ay ku beegnaay maalinta Cafiska Soomaaliya ayaa qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta dowlad goboleedka Jubbaland waxaa ay u direen Bulshada Soomaaliyeed fariin ku aadan in laxoojiyo Cafiska qof walbana uu qofka kale ee walalalkiis ah Cafiyo.

Xamdi Maxamed Yaasiin,ayaa warbixintan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here