Qaar ka mid ah Laamiyada Muqdisho oo saaka xiran

0
386

Muqdisho(Idaacada Waamo)Laamiyada  qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta xiran, waxaana ku sugan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo gaadiidka dagaalka ku jaray wadooyinka.

Wadooyinka xiran waxaa ka mid ah Wadada Makka Al-Mukarrama, sidoo kale waxa ay xireen Ciidanka agagaarka Xarunta Asluubta.

Ciidanka ayaa goobaha xiran ku jaray Gawaarida Dagaalka, Dhagaxaan iyo Bir, Sababta loo xiray Jidadka waxa ay ilo wareegyo sheegayaan in ay tahay Munaasabadda Aas-aaska Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed oo maanta lagu qabanayo Magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta laga xusaya  sanadguuradii 50Aad xuska Maalinta Ciidanka Asluubta oo ku beegan 22-February sanadkii 1970kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here