Kismayo(Idacaadda Waamo)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo tababar aqoon-kororsi ah ugu qabatay qaar ka mid ah hawl-wadeenada Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo. Tababarkan oo socon doona muddo dhowr maalmood ah ayaa diiradda lagu saarayay kobcinta xirfadaha shaqaalaha iyo sare u qaadidda adeegyada ay bulshada u qabtaan.
Munaasabadda furitaanka tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, maamulka Degmada Kismaayo, iyo marti sharaf kale.
Juweeriya Xasan Axmed warbixintaan inooga diyaarisay.