Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Ilaa labo kun oo qoys oo ka mid ah dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku soo barakacay duleedka Magaalada Kismaayo ayaa lagaarsiiyay deeq raashin ah oo ka timid isu taga dowlada imaaraadka Carabta.
Raashinkan oo ka kooban noocyada kala duwan ee maciishada qutul duruuriga sida bur,bariis ,caano iyo saliid ayaa waxaa dadka barakacayaasha ah gaarsiiyay maamulka dowlada hoose ee degmada Kismaayo.
Xamdi Maxamed Yaasiin,ayaa warbixintan inooga diyaarisay.