Puntland oo soo saartay digniin ka dhan ah gaadiidleyda ka howlgala deegaanada Puntland

0
287

Garawe-(Idaacadda Waamo)-Taliyaha ciidanka Boliiska Puntland oo ka mid ah guddiga loo xilsaaray ka hortaga cudurka Coronavirus ee deeganada maamulkas ayaa soo saaray digniin ku socotay wadayaasha gaadiidka dadweynaha.

Taliyaha ayaa amray Darawalada gaadiidka in aysan soo qadi Karin dad laga eenay deegaanada kala duwan ee maamulkaas isla markaan aysan geyn Karin magaalooyinka maamulkaas.

Dhinaca kalana gaadiidka xamuulka ah ayuu faray in aysan soo qaadi Karin dadweyne kaliyana loo ogolyahay Darawalka iyo Kirishbooyga Baabuurkaas isaga oo sheegay in ay taallaabo ka qadi doonan shakhsiyadka jebiya amarkaas.

Dhinaca kalana waxa uu tilmaamay in uu kordhay xilliga Bandowga ee magaaloyinka dowlad goboleedka Puntland waxaana shacabka uu uga mahadceliay wadashaqeyntood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here