Puntland oo markale goob fagaare ku gubtey Jaad

0
288

Boosaaso(Idaacadda Waamo)Ciidamada Booliska Gobalka Bari ayaa markale waxaa ay guteen jaad (Qaad) ay soo qabteyn Ciidamada,kadib howlgallo qorsheysan oo ay ka sameeyeen Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Taliyaha Qeybta Boliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Warbaahinta u sheegay in ay dabar goyn doonaan jaadka soo gala Magaalada Boosaaso ilaa Qofka ugu dambeeya uu joojiyo Jaadka in uu keeno Boosaaso.

Dhowr jeer oo hore ayaa sidaan kale kale Ciidamada Booliska Gobolka Bari ay gubeen jaad farabadan oo lagu soo qabtey howlgallo laga sameeyey deegaannada Gobolka Bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here