Puntland oo ka digtay roobab duufaano wata oo kusoo fool leh degaanadeeda.

0
376

Garawe(Idaacada Waamo)Maamulka Puntland ayaa digniin ka bixiyay Roobab dufaano Wata oo kusoo foodleh xeebaaha Badwaynta Hindiya iyo Badacas ee Puntland.Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in
Dabaylaha oo ku socda xawaare sare oo ah 36KM/H illaa 40KM/H, ay kasoo
kaceen dhinaca waqooyi galbeed iyagoo usii jeeda dhinaca bariga.

Culimada saadaasha hawada waxay sheegeen in muddo sadex cisho ah oo
bilaabanaysay maantay illaa 14 Jan-2020 ay kusoo fool leeyihiin Xeebaha
Puntland.

Wasaaraddu waxay u digtay dhamaan kalluumeysatada iyo dadka ka ag dhow
badda in aanay gelin badda sadexdaas cisho ee ay baddu aadka u kacsan tahay.
Qaar kamid ah magaalooyinka Puntland ayaa haatan laga dareemayaa jawi ka
badelan sidii hore, waxaana bilowday jawi roobaad iyo neecow qabow.
Waa markii labaad oo ay muddo kooban gudaheed Puntland ku dhufanayso

dabeyl roobab wadata, iyadoo la xasuusto in bishii December ee sanadkii hore ay
Puntland ku dhufatay duufaan xoogan oo geysatay khasaare dhimasho iyo
burburba leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here