Puntland oo bilowday dadaallo looga hortagaayo cudurka Corona Virus.

0
390

Garawe(Idaacadda Waamo)Wasaaradda caafimaadka Puntland, ayaa maanta oo Sabtiya garoonka diyaaradaha General Mohamed Abshir ee caasimadda Garoowe ka daahfurtay, baaritaanka dadka ka imaanaya dibada, si looga hortago cudurka Corona Virus oo wadamo badan ka dilaacay.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Puntland, oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee wasaaradda, ayaa koox caafimaad ah geeyay garoonka diyaaradaha, si baaritaan loogu sameeyo dadka garoonka imaanaya kana imaanaya dalka dibadiisa. Dadka ayaa laga baarayaa cudurka Corona Virus.

Baaritaanka ayaa lagu bilaabay diyaarada Ethopia Airline oo rakaabkii saarnaa dhamaantood la mariyay screening lagu ogaanayo xaaladooda caafimaad.
Wasiirka Wasaaradda Puntland Jamac Farax Xasan ayaa ka hadlay sida baaritaanku u socdo “waxaan rabaa inaan shacabka reer Puntland la wadaago in dhamaan dadka soo dagaya oo imaanaya garoomada kala duwan ee Puntland lagu samayn doono baaritaan si looga taxadaro cudurka Corona Virus” ayuu yiri Wasiirka.

“Waxaa wasaaraddu diyaarisay, kooxo caafimaad oo iskugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal caafimaad, oo samayn doona baaritaan, sidoo kale waxaa wasaaraddu diyaarisay oo heegan ah dhamaan cisbitaalada waaweyn ee Puntland si hadii ay dhacdo in la helo cid laga shakiyo loogu adeego.” Ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here