PSG Oo Xasuuqday Real Madrid Iskana Xaadirsay Final Club World Cup

0
16

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda PSG ayaa xasuuqday Real Madrid kulan ka tirsanaa semi-final tartanka koobka kooxaha adduunka.

Kulanka ayaa ahaa mid hal dhinac ah oo ay PSG ka awood sheegatay Kooxda Real Madrid.

Xiddiga Fabian Ruiz ayaa daqiiqadii 6-aadba PSG u dhaliyay goolka 1-aad ka hor inta uuna daqiiqadii 9-aad Demebele dhalin goolka 2-aad.

Xiddiga Ruiz ayaa soo laabtay daqiiqadii 26-aad waxana uu dhaliyay goolka 3-aad ee kooxdiisa.

Xiddiga Ramos ayaa dhaliyay goolka 4-aad ee u quus gooyay kooxda Real Madrid iyada oo kooxda PSG ku badisay 4/0.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here