PSG Iyo Arsenal Oo Muran Adag Ka Dhex Bilowday Maalmo Ka Hor Semi Final-ka Champions League.

0
9

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxaha Arsenal iyo Paris Saint-Germain (PSG) ayaa ku muransan garoonka dibadiisa maalmo ka hor kulankooda aadka loo wada sugayo ee lugta hore ee semi-finalka koobka UEFA Champions League ee ka dhici doona garoonka Emirates Stadium, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya France.

Kooxda heysata horyaalka Faransiiska ayaa lagu wadaa inay booqato London Talaadada lugta hore ee wareega Semi Final-ka champions League.

Iyadoo labada kooxoodba ay isku diyaarinayaan tartan adag oo garoonka dhexdiisa ah, ayaa waxaa durba soo baxay xiisado ka dhashay arrimo garoonka ka baxsan—gaar ahaan, qoondaynta tigidhada.

Wararka ka imanaya L’Équipe ayaa sheegaya in PSG la siiyay 2,500 oo tikidh oo kaliya taageerayaasheeda safarka ah, taas oo 500 ka yar 3,000 oo ay ku heleen booqashadoodii hore ee Emirates ee wajigii horyaalka October ee hore— ciyaar ay Arsenal si raaxo leh 2-0 ku badisay.

UEFA ayaa sida caadiga ah ku amarta in kooxaha martida ah ay helaan ugu yaraan 5% awoodda garoonka ee qoondaynta tigidhada, taasoo la mid noqon doonta ku dhawaad 3,000 oo kursi ee Emirates.

Si kastaba ha ahaatee, qoondaynta 2,500-tigidh waxay ka dhigan tahay kaliya ku dhawaad 4%, oo hoos uga dhacaysa shuruudaha caadiga ah.

Go’aanka ayaa lagu soo waramayaa inuu ka caraysiiyay madaxda PSG, kuwaas oo ku doodaya in qoondada la dhimay ay wiiqayso mabaadi’da cadaaladda.

Dhinaca kale, Arsenal ayaa arrintan ku sababaysay iyada oo soo xiganaysa arrimo dhinaca ammaanka ah, si gaar ahna u tixraacay tallooyinka maamullada maxalliga ah iyo dhibaatooyinka saadka ee ka dhashay Marathon-ka London, kaas oo dhacaya laba maalmood uun ka hor ciyaarta semi-finalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here