Pochettino Oo Sharaxay Sababtii Uu Enzo Fernandez U Badalay Kulankii Newcastle.

0
56

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Tababaraha Kooxda Chelsea ee Mauricio Pochettino ayaa sheegay in Enzo Fernandez uu badalay sabab la xidhiidha in uu dareemay xanuun intii ay socotay kulankii Newcastle.

Kooxda chelsea ayaa rikoodhayaal ku garaacday kooxda Newcastle kulan ka tirsanaa tartanka Carabao cup-ka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Enzo Fernandez ayaa la badalay qaybtii hore iyada oo la filayay in uu dhaawac uga baxay ciyaarta.

Laakii Pochettino ayaa xaqiijiyay in uuna xiddiga Enzo Fernandez dhaawac soo gaadhin isla markaas uu xanuun dartiis uga baxay ciyaarta.

Tababaraha oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Enzo Fernandez Waxa uu dareeay xanuun”.

“Ciyaarta ka hor muu dareemin xaalad fiican sidaas darteed ayaan badalanay”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here