Piqué oo Haaland ku dhiiragaliyay inuu iska diido ku biirista Real Madrid

0
167

Kismaayo(Idacaadda Waamo)-Xiddiga kooxda Barcelona ee Gerard Piqué ayaa fariin maldahan u diray weeraryahanka Borussia Dortmund ee Erling Haaland, taas oo ku saabsan mustaqbalkiisa.

Haaland ayaa qarka u saaran inuu ka tago kooxda Borussia Dortmund xagaaga soo socda, iyadoo ay jirto loolan adag oo u dhexeeya Real Madrid iyo Barcelona si ay u helaan adeegiisa.

Erling Haaland ayaa wuxuu bartilmaameed ugu yahay Barcelona si ka duwan Real Madrid oo diiradda saareysa xallinta heshiiska xiddiga Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappé.

Haddaba sida laga soo xigtay wargeyska “AS” ee dalka Spain Gerard Piqué ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Haddii aan joogi lahaa booska Haaland, oo aan doonayo inaan ku guuleysto Ballon d’Or, ma aadi lahayn koox uu Mbappé ku biiri doono.”

Wargeyska ayaa ku sharraxay, inay tahay talo maldahan oo uu Gerard Piqué siiyay weeraryahanka da’ada yar ee Haaland, taasoo ah inay fiicnaan lahayd inuu yimaado Barcelona, halka uu kula biiri lahaa Mbappé Real Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here