Chelsea-(Idaacadda Waamo)-Halyeeyga kooxda chelsea ee Petr Cech ayaa ku soo laabtay ciyaarista kubada cagta una ciyaaray Blues kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League 2 laakiin la kulmay guuldaro ay kala kulmeen kooxda Tottenham.
38 jirkan oo ciyaaraha ka fariistay sanadkii 2019 si lama filaan ah ayuu ugu soo laabtay kulan tartanka 2-aad ee loo yaqaano Premeir League 2.
Petr Cech ayaa kooxda chelsea u diwaan gashanaa Goolhaye xaaladaha deg-deg ah waxana uu kusoo laabtay kulan dhexmaray kooxaha chelsea iyo Tottenham.
Petr Cech ayaa si xun ku bilowday isaga oo khalad weyn galay sabab u noqday in gool laga dhaliyo kooxda da’yarka ah ee chelsea sidaasina guuldaro ku baday kooxdiisa chelsea.