Paul Pogba Oo Shaaciyey Sababtii Dhabta Ahayd Ee Jose Mourinho Looga Caydhiyey Man United

0
441

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Manchester United iyo xulka qaranka France ee Paul Pogba ayaa meesha ka saaray in hirdan iyo loollan u dhexeeyey ciyaartoyga ay sabab u noqdeen in Jose Mourinho laga caydhiyey shaqada kooxdaas badhtamaha bishii December Sanadkii Tagey.

Manchester United ayaa tababaraha reer Portugal caydhisay markii ay kooxda ku adkaatay inay guulo gaadho, waxaana lagu beddelay Ole Gunnar Solskjaer oo sabab u noqday in United ay dib u hesho qaab ciyaareedkii lagu yaqaanay kooxda Man United , isla markaana booska afraad soo gasho ka hor intii aanay Arsenal garab kaga riixanin oo Booska Shanaad Ugu Dhicin United

Mourinho ayaa lagu cayriyey kaddib ciyaartii Liverpool ay ku garaacday United 3-1, waxaana cayrintiisa loo badinayaa guul la’aantii kooxda iyo sidoo kale ciyaartoyga oo ay is haysteen gaar ahaan Paul Pogba iyo Alexis Sanchez, kuwaas oo xattaa loo diiday inay warbaahinta la hadli karaan,

Paul Pogba oo ahaa kabtan ku-xigeenka ayaa uu Jose Mourinho ka qaaday calaamadda kabtanimo ,  waxaanu warbaahinta horteeda ka sheegay in aanu dib dambe u xidhan doonin calaamaddaas, taas oo sii xoojisay xurguftooda.

Inkasta oo Pogba uu ahaa mucaaradka ugu weyn ee Jose Mourinho, haddana waxa uu waqtigan bannaanka keenay sababtii dhabta ahayd ee tababaraha reer Portugal shaqada looga caydhiyey.

26 jirkan oo xulka qaranka France kala qayb-gelaya ciyaaraha isreeb-reebka qaramada Qaaradda Yurub ee Euro 2020, ayaa waxa uu sheegay in Manchester United ay ka jirtay dhibaato ka haysatay dhinaca guulaha, taasina keentay in isbeddelka kooxda ,

Pogba oo ciyaaryahannada kale ee France ula diyaar-garoobaya ciyaarta Jimcaha ay la yeelanayaan Xulka Moldova, waxa kale oo la weydiiyey inuu Kylian Mbappe iyo Presnel Kimpembe ku dacaayadeeyey guushii ay Manchester United ka gaadhay PSG ee tartanka Champions League, waxaanu ku jawaabay: “Waanu ka wada hadalnay. In badan ayaanu ka hadlnay ciyaartan, laakiin waxa kale oo aanu ka sheekaysanay ciyaaro kale oo dhacay. Si faahfaahsan ayaanu uga hadalnay ciyaarta iyo wixii dhacay ee ka dambeeyeyba. Waanu isku dacaayadaynay, laakiin haddana waanu is ixtiraamnaa, wayna ka xumaadeen balse haddana qosleen.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here