O’ola Nadafadeed oo laga sameeyay biyo mareenada magaalada kismayo

0
9

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo ayaa si habsami leh u wado howlaha nadiifinta biyo mareennada magaalada, iyadoo ujeedadu tahay in laga hortago fatahaadaha iyo in la hagaajiyo nadaafadda guud ee magaalada.

Shaqaalaha nadaafadda ee dowladda hoose ayaa si joogto ah ugu hawlan nadiifinta iyo furista marinada biyo mareenka, gaar ahaan meelaha ay biyo fariistaan ama ay xirmayaan. Howlgalka nadiifinta ayaa si ballaaran uga socda xaafado badan oo magaalada ah, waxaana lagu arkaa shaqaalaha oo adeegsanaya qalab iyo gaadiid loogu talagalay hawshaas.

Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here