Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda Haweenka Arimaha qosyka iyo xuququl insaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ka daah-furtay Ololaha 16 bari ee Ladagaalanka tacadiyada loo geysto haweenka iyo Gabdhaha kasoo Sanadkiiba mar la qabto.
Kulanka daah-furka ayaa waxaa kaso qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Jubbaland, Xildhibaano, Agaasimayaal, iyo haween weynaha Degmada kismaayo.
Awke Ali Awil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.