Ol’olaha ka hortaga cudurka Dabaaysha oo Kismaayo laga daah-furay

0
125
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasiirka wasaarada caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Dowlada Jubbaland ayaa maanta daahfuray ololaha wacyigalinta, ka hortagga cudurka dabaysha oo isugu jira sare u qaadidda wacyiga bulshada ee cudurkan iyo sidoo kale qaadashada labada dhibcood ee tallaalka ka hortagga  Cudurka dabaaysha kaasi oo la siiyo ilmaha ka yar shanta sano iyo kuwa ka wayn da’daasi ee aan hore fursad ugu helin qaadashada Tallaalka dabaysha.
Ol’oalaha Tallaalka dabaaysha  oo socon doona muddo kooban ayaay wasaaraddu sheegtay in la gaarsiin doono dhamaan degmoyinka iyo deegaanada Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here