Ole Gunnar Solskjaer Oo Ruben Amorim U Sheegay Laba Xiddig Oo Uuna Iska Iibin

0
23

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Tababarihii hore ee Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa aaminsan in Bruno Fernandes iyo Harry Maguire ay yihiin ciyaartoy muhiim u ah Old Trafford, isagoo labadoodaba la soo wareegay markii uu tababaraha u ahaa kooxda.

Solskjaer ayaa labo sano iyo bar ku qaatay xilka tababaranimo ee United ka hor inta aan la ceyrin 2022, Fernandes iyo Maguire labaduba waxay ahaayeen xubno muhiim u ah kooxdiisa.

Labada xiddig ayaa weli ah kuwa udub dhexaad u ah tababaraha haatan ee United Ruben Amorim, Solskjaer ayaana ku faraxsan inuu arko iyagoo “wax fiican qabanaya”.

“Weli way wanaagsan tahay in la arko Bruno Fernandes iyo Harry (Maguire) oo si fiican u shaqeynaya,” Solskjaer ayaa ku yiri wareysi uu siiyay Athletic.

“Scotty [Scott McTominay] si fiican ayuu uga shaqeynayaa Napoli, waan ka xanaaqsanahay in aan iska fasaxnay sababtoo ah wuxuu ahaa mid muhiim ah xilli ciyaareedkii hore markii uu sii waday gool dhalinta”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here