Odayaasha dhaqanka oo bilaabay soo xulidda Xildhibaanada Galmudug.

0
354

Dhuusomareeb(Idaacada Waamo)Odayaasha dhaqanka  Galmudug ayaa  bilaabaya soo xulista  Xildhibaanadda ka mid noqonaya Baarlamanka Labaad ee Dowlad Goboleedka Galmudug, kaddib markii tababar  ku saabsan qaabka soo xulista Xildhibaanadda gelinkii dambe ee shalay loogu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusamareeb.

Gudoomiyaha guddiga Farsamada ee maamul u sameynta Galmudug ayaa  ku booriyay odayaasha in ay ku soo xulaan Xildhibaanadda aqoontooda, isagoo intaasi ku daray in la abaalmarindoono sadexda beelood ee ugu horeysa soo xulista Xildhibaano Aqoonyahano ah.

Marka laga reebo Ahlusunna oo soo gudbisay Xildhibaannadeeda waxaa odayaashan looga fadhiyaa in ay soo xulaan Xildhibaanadda kale, iyagoo ku jaangooynaya habka awoodqeybsiga beelaha dega Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here