Odayaasha DDSI oo qado loogu sameeyay Magaalada Garoowe.

0
385

Garawe(Idaacadda Waamo)Odayaasha Dhaqanka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo maalmahaanba booqasho ku joogay Magaalada Garoowe ayaa maanta qado sharaf loogu sameeyay magaaladaasi.

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ahna Kusimaha Madaxweynaha, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa Odayaasha Dhaqanka qado sharaftan ugu sameeyay meel bannaanka ka yara ah Magaalada Garoowe.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa waxaa kulankan qado sharafta ah ku wehlinayay Wasiiro, Xildhibaano iyo Hoggaanka Dhaqanka Puntland.

Odayaasha Dhaqanka ee DDSI oo uu hoggaaminayo Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool ayaa maalintii Khamiista soo gaaray Magaalada Garoowe, iyadoo ujeedada ay u yimaadeen ay la xiriirto, sidii loo dhameen lahaa dadaalada lagu soo geba-gabeynayo xal u helidda dagaaladii dhawaan beelo walaalo ah ku dhex maray Deegaanka Dhumay ee Gobolka Sool.

Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo boggaadiyay socdaalka Odayaasha DDSI ka yimid ayaa dhanka kale ku ammaanay, sida ay ugu soo gurmadeen joojinta dhiigga beelihii walaalaha ahaa ee ku wada dagaalamay Dhumay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here