Nin Wabi Isugu Riday 20 Doollar Darteed

0
258

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Tamba Lamine ayaa ku haftay biyaha wabiga kaddib markii uu ka booday buundo dheer oo ku taal caasimadda Liberia, Monrovia, si uu u soo helo 20 doollar oo ka dhacday.

Ninkan oo ka mid ahaa ganacsatada yaryar ee suuqa kula dhex wareega badeecadaha ayaa ku haftay wabiga Mesuradu, oo mara inta u dhexeysa dhul weynaha Monrovia iyo degmada warshadaha ee Jasiiradda Bushrod.

Lamine wuxuu la socday saaxiibkiis, iyaga oo marayey buundada korkeeda markii warqadda lacagtu ka dhacday wuxuuna dareemay cadaadis ah inuu dib u helo lacagtii maadaama uu ku qasbanaa inuu siiyo saaxiibkiis $ 5 oo uu ku lahaa lacagtaas.

Dadweynihii isugu soo baxay buundada ayaa u maleeyay in Lamine uu nabad qabo kaddib markii uu ka soo baxay biyaha si uu u tuso lacagta hase yeeshee dib dambe looma arkin bidhaantiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here