Nin 52 sano ka hor dhac u geystay mid ka mid ah bangiyada Mareykanka oo la aqoonsaday.

0
155

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Nin muddo 52 sano baxsad ahaa oo ka dambeeyay dhaca loo geystay mid ka mid ah bangiyada ugu caansan Maraykanka ayaa lagu la aqoonsaday baaritaan ay sameeyeen xubno ka tirsan waaxda dambi baaritsa Mareykanka.

Ted Conrad waxa uu ka shaqaynayay bangiga Qaranka ee Cleveland, Ohio markii uu dhacay qof ka mid ah macaamiisha bangiga bishii Luulyo 1969-kii.

Waxaa dhacaasi lagu waayay lacag dhan $215,000 oo doolar , taasoo maanta qiimaheedu yahay $1.7m oo doolar.

Conrad, oo bishii May u dhintay kansarka sanbabada, waxa uu jiray 20 sano oo keliya markii uu falka sameeynayay. Waxa la sheegay in uu ka faa’iidaystay ammaan xumada bangiga, isaga oo la baxay lacagta oo lagu shubay bac , ka dib markii ay la xiray qeybta bangiga uu ka hawl galayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here