Nico Williams Oo Iska Diiday Koox Dalab Ka Soo Gudbisay Si Uu Ugu Biiro Barcelona

0
38

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda  Barcelona ayaa rajo fiican ka heshay baacsiga ay ugu jirto saxiixa xiddiga Nico Williams kadib markii uu xiddigu u dhaqaaqista Barcelona ka dhigay muhiimadiisa ugu weyn.

22-sano jirkaan ayaa bilihii ugu dambeeyay xiiso ka helayay kooxaha Arsenal iyo Chelsea, kuwaasoo awood u lahaan lahaa inay bixiyaan 58 milyan oo euro oo lagu burburin karo qandaraaskiisa, halka Barcelona ay raadineysay xulashooyin kale.

Laakiin arinta ayaa is badashay todobaadyadii ugu dambeeyay iyada oo labada kooxood ee premier league ay meel kale dareenkooda u jeediyeen.

Laakiin Bayern Munich ayaa u soo baxday inay tahay musharaxa ugu xoogan ee saxiixiisa toddobaadyadii la soo dhaafay.

Bayern ayaa wadahadalo la furtay Williams, waxayna ka heleen jawaab bilow ah oo wanaagsan, laakiin dadaalkooda saxiixa xiddigan ayaa la hakiyay iyada oo uu xiddigu u sheegay Bayern Munich in ay Barcelona tahay muhiimadiisa 1-aad.

Kooxda Bayern Munich ayaa haatan tallaabo Rasmi ah u qaaday saxiixa xiddiga laakiin xiddiga ayaa diiday u dhaqaaqista kooxda Bayern Munich.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here