Neymar Jr oo sheegay xulka uu doonayo inuu la ciyaaro fiinaalka Copa America

0
259

Brazil(Idaacadda Waamo)-Xiddiga xulka qaranka Brazil ayaa sheegay inuu sugi la’yahay ciyaarta fiinaalka Copa America isagoo sidoo kale carrabbaabay inuu doonayo inay fiinaalka ku kulmaan xiddigo ay is yaqaanaan.

Xulka Brazil ayaa gaaray fiinaalka tartankan kaddib markii uu ka taqallusay Peru, waxaana Neymar oo caawiye ka ahaa goolka Lucas Paqueta ee ay xulka Jaalleyaasha kusoo gudbeen uu sheegay inuu door bidayo inuu fiinaalka la ciyaaro xulka Argentina isagoo sabab kaga dhigay saaxiibbada uu halkaas ku leeyahay.

“Waxaan doonayaa Argentina, iyagaan taageerayaa” ayuu yiri Neymar.

Laacibka Paris Saint-Germain ayaana intaas ku daray inuu halkaas saaxiibbo badan ku leeyahay isagoo yiri: “Saaxiibbo ayaan halkaas ku leeyahay, fiinaalkana waxaa adkaan doona Brazil”.

Xulka tartanka marti gelinaya ee Brazil ayaa ciyaarta fiinaalka tartanka Copa America 2021 la ciyaari doona midkood xulalka Argentina iyo Colombia oo caawa saacadaha dambe ee xilliga Geeska Afrika ama aroornimada berri subax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here