Newcastle Oo Xasuuqday Chelsea & Reece James Oo Kaadhka Cas Loo Taagay

0
77

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda Newcastle ayaa guuldaro xanuun badna dhabarka u saartay kooxda Chelsea kulan ka tirsnaa horyaalka premier League.

Newcastle ayaa ka fiicnayd kooxda chelsea iyaga oo sameeyay fursado aan kala joogsi lahayn.

Daqiiqadii 13-aad ayay chelsea dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Alexander Iska kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Chelsea ayaa 10 daqiiqo kadib soo laabatay waxana daqiiqadii 23-aad goolka bar-baraha u dhaliyay xiddiga Raheem Sterling.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood bar-baro ku yihiin chelsea-na ciyaarayso weeraro rogaal celis ah.

Qaybtii dambe ayay Neecastle ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal kale.

Newcastle ayaa laba daqiiqo gudeheed ku dhalisay 2 gool iyada oo xiddigaha Jamaal Lascelles uu dhaliyay gool daqiiqadii 60-aad ka hor inta uuna Joelinton dhalin goolka 3-aad daqiiqadii 61-aad.

Wixii intaas ka dambeeyay chelsea ayaa ka niyad jabtay ciyaarta waxana uu xaalku ku xumaaday daqiiqadii 73-aad kadib markii kaadhka cas loo taagay xiddiga Reece James.

Daqiiqadii 83-aad ayay Newcastle dhalisay goolka 4-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Anthony Gordon kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Newcastle xasuuqday 10 xiddig oo chelsea ah kulan dhinac kaliya ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here