Nacho Monreal Oo Magacaabay Xiddigii Ugu Fiicnaa Abid Arsenal Ee Uu Ka Garab Ciyaaray 

0
620

Kismaayo (Waamo Radio) Xidiga Daafaca Bidix ee Nacho Monreal aya soo afjaray 7 sano iyo Bar Eheyd Oo uu Ku Qaatay Kooxda Arsenal Suuqii Xagaaga Markii uu ka tagay kooxda Arsenal Kuna Laabtay Horyaalka La Liga isaga oo ku Biiray Kooxda Real Sociedad Qalinkana Ku Duugay Heshiis 2 Sano iyo Bar ah .

Naco Monreal ayaa Xiddigii Hore Arsenal Alexis Sanchez u Magacaabay Xiddigii ugu Fiicnaa ee uu Abid Kasoo Garab Ciyaaray Kooxda Arsenal intii uu Joogay.

Unai Emery ayaa Monreal usheegay in uu si Joogto ah u Ciyaari Doonin Kadib Markii uu La Soo Saxiixday Xiddiga Kierna Tierney kaas oo Xagaagan Kaga soo biiray Celtic

Monreal ayaa Ku Laabtay Horyaalka La Liga Dalka Spain isaga oo Kulankisii ugu Horeeyay Kooxdiisa Ka Caawiyay guul 2/0 ah oo ay Ka Gaadheen Atletico Madrid isaga oo Waliba Dhaliyay Goolka 2-aad Ciyaartaas.

Xiddiga ayaa Muddo Dheer Joogay Horyaalka England ee PL Gaar ahaan Kooxda Arsenal  Waxana uu Ka soo Garab Ciyaaray Xiddigo Badan Sida , Masut Ozil , Aubameyang, Aaron Ramsey,  Alexandre Lacazette, Olivier Giroud, Pierre-Emerick , Santi Cazorla, Petr Cech iyo Kuwo Kale Oo Intaa Kabadan.

Xidiga Naco Monreal Ayaa Xidigii Ugu Fiicna Abid U Magacaabay Sanchez oo Haatan u Ciyaara Kooxda Inter Milan Muddana uu kaga soo gagrab ciyaaray kooxda Arsenal.

Naco Monreal Ayaa Joogey Kooxda Arsenal Mudo 7 Sano Iyo Bar Wuxuuna Kooxda Usaftay 187 Kulan Una Dhaliyey Kooxda Arsenal Goolal Gaarayo 7 Gool

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here