Muxuu Xabi Alonso Ka Yidhi Gushii Ay kooxdiisa Ka Gaadhay Osasuna

0
29

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Tababaraha kooxda Real Madrid Xabi Alonso ayaa ka hadlay guushii adkaa ee ay kooxdiisu 1-0 kaga badisay Osasuna, ciyaartii furitaanka horyaalka La Liga kulan ka dhacay garoonka Santiago Bernabéu.

“Waxaan ciyaarta kaga soo baxnay dhowr natiijo oo wanaagsan, oo ay ugu horreyso natiijada,” Alonso ayaa ku yiri warsaxaafadeedka ciyaarta ka dib.

“Waxaan ku jirnay xilli adag oo diyaar garow ah, maanta waxaan la ciyaarnay koox diyaar ah oo naga horreysay muddo, maanta waxyaabo ayaa naga maqnaa, laakiin guusha maanta waxay na siin doontaa xasillooni si aan horay ugu soconno.”

Isaga oo ka hadlaya qorshaha ciyaarta ayuu yidhi, “Kooxaha naga soo horjeeday waxa ay si cad u ahaayeen difaac, mana aanan haysan hal-abuurkii loo baahnaa, mana aanan galin wax khatar ah, dabcan wax badan ayaan ka baran doonaa kulanka, waxaana hubaal ah in aanu ciyaari doono kulamo la mid ah kuwa maanta oo dhan xilli ciyaareedka”.

Isagoo ka hadlayay saxiixyada cusub ee kooxda ayuu yiri “Qof walba si dhaqsi ah ayuu ula qabsaday, maanta aad ayay u fiicnaayeen, Mastantuono sidoo kale wuxuu ahaa mid cajiib ah, si la mid ah kuwa kale, waxay noqon doonaan jirka kooxda sanadaha soo socda, cadaadiska maaliyada Real Madrid ma saameyn iyaga”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here