Muxuu Ten Hag Ka Yidhi Guushii Ay Kooxdiisu Ka Gaadhay Man United

0
45

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Tababaraha Kooxda Man United ee Erik Ten Hag ayaa ka hadlay guushii ay kooxdiisu ka gaadhay Liverpool.

Man United ayaa 4/3 ku xasquuqday Liverpool kulan xiiso lahaa oo ka dhacay Old Trafford.

“Marka ay tahay Manchester Untied kulanka Liverpool, waa mid ka mid ah ciyaaraha kubbada cagta aduunka ugu fiican, waa mid taariikhi ah, waxaan moodayay 35-kii daqiiqo ee ugu horeeyay inay ahaayeen kuwii ugu fiicnaa ee aan kooxdeyda ku arkay xiliciyaareed kaan, heerkii ayaan hoos uga dhacnay intaas kadib, waad arki kartaan Liverpool. waxay ahaayeen koox aad u wanagsan, waan rumaysanay qaabkeena, waxaana qaadnay fursadaheena”.

“Rashford ayaa helay fursado, waxa aan u malaynayay in uu aad u fiicanaa, waxa uu khasaariyay fursado laakiin mararka kale wuu dhamaystiraa Laakiin mar walba waa mid fiican, waxa uu dhiiri galiyay kooxda inteeda kale waxana uu noqday tusaale”.

“Kooxdu waxay muujisay adkeysi iyo go’aan ay ku doonayaan inay ku guuleystaan ​​kulankaan, dib u dhacyo badan ayaa na soo gaaray, maskax ahaan aad ayaan u xooganahay, taageerayaasha ayaa tamar na siiyay way na garab taagnaayeen ciyaarta oo dhan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here