Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay ka dib guuldaradii 1-0 ee kooxdiisu ka soo gaartay Paris Saint-Germain fiidnimadii Salaasada kulan ka tirsan lugta aad 1-aad ee Semi-final-ka champions League.
“Ma aanan luminin fursada aan ugu soo bixi karno finalka, kaliya waa qeybtii hore, waxaa jira qeybtii labaad ee lugtii labaad. Rice iyo Merino waxay ahaayeen kuwa heer sare ah maanta,” Arteta ayaa u sheegay Amazon Prime.
Macalinka ayaa intaa ku daray “Dabcan waan ka niyad jabnay guul darada, wax badan ayaan sameynay kulanka, waxaan rabnay ugu yaraan barbaro, bilowga ciyaarta ma aheyn mid heerkii loo baahnaa”
Isagoo ka hadlayay goolkii Paris ayuu yiri “Waxay ahayd guul shaqsi ah, waxaa jiray 7 ciyaartoy oo kubbadda ka danbeeyay, mararka qaar waa inaad garawsataa tayada ay dadka qaar leeyihiin”.
Isagoo ka hadlayay goolkii kooxda laga diiday iyo fursadaha ay lumiyeen, wuxuu yiri, “Waqtiyadan ayaa isbedel sameynaya, waxaan aragnay Martinelli oo hal-ka-hal u seegay, halka Donnarumma uu xannibay darbadii Trossard.”