Muxuu Luis Enrique ka yiri bar-bardhicii uu xulka qaranka Spain la galay dhigooda Greece?

0
305

Spain(Idaacadda Waamo)-Tababaraha xulka qaranka Spain ee Luis Enrique ayaa xaqiijiyay inaysan u qalmin bar-bardhacii xalay ay la galeen dhigooda Greece, kaasoo ka tirsanaa kulammada Isreeb-reebka koobka adduunka ee 2022.

Sida uu shaaca ka qaaday wargeyska “Marca” Ciyaarta kaddib tababare Luis Enrique ayaa u sheegay warbaahinta:

“Kulan kasta wuxuu leeyahay dhibaatooyinkiisa, waxay shabaqooda u difaacdeen si fiican, anagana waxaan luminay diirad saarida taabashada ugu dambeysa ee shabaqa hortiisa.”

“Waxaan u maleynayaa inaanan u qalmin bar-bardhac, waxaan u maleynayaa in natiijada guul 1-0 ay ahayd mid cadaalad ah, Kama soo bixin shaqadii nalooga baahnaa kulankaan.”

“Ma fileynin natiijadan, waxaana seegnay inaan waxbadan ka qabano wixii aan soo bandhignay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here