Muxuu Klopp Ka Yidhi Bar-Barihii Ay Kooxdiisu La Gashay Arsenal

0
70

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay bar-barihii ay kooxdiisu la gashay Arsenal kulan ka tirsanaa horyaalka premier Leageu.

Labada kooxood ayaa ku kala baxay bar-baro 1/1 ah kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa horyaalka premier League.

“Tababaraha ayaa yiri: “Kubbada gacanta ee Odegaard? Haa, waan arkay, waan hubaa in qof ii iman doona oo ii sharxi doona sababta aan rikoodhe naloogu dhigin, Ma dhahayo garsooraha wuu arki karaa sababtoo ah ma garanayo meesha uu joogo wakhtigaas. Laakiin sidee ayuuna u arkin garsooraha Ku jira qorka VAR”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Arsenal waa koox aad u wanaagsan, waxaana isku daynay inaan wax wada ilaashano, laakiin hal daqiiqo, hadii aad boos siiso, waxay diyaar u yihiin inay ka faa’ideystaan, si kastaba ha ahaatee, natiijada ayaa ku dhamaatay 1-1 Waxana aan hal dhibic ka helnay koox fiican”.

Waxa uu carabka ku adkeeyay: “Waxay leeyihiin tayo, mana aad difaaci kartaan taas mar walba, markii aan helnay dardar dheeri ah, waxaan ogaanay inaanan sidan u ciyaari karin wax ka badan 90 daqiiqo, marka waa inaan wax yar bedelno. “

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here