Muxuu Amorim Ka Yidhi Guuldaradii Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Grimsby Town

0
7

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Tababaraha kooxda Manchester United Ruben Amorim ayaa ka raalli-gelinay taageerayaasha kooxda ka dib markii ay si lama filaan ah uga soo baxeen tartanka koobka League Cup, kadib guuldarro ay soo gaartay ka dib rigooreyaal, ayagoo 2-2 ku soo kala baxay ciyaarta waqtiga rasmiga ah, oo ay la ciyaareen kooxda Grimsby Town, oo ka tirsan heerka afaraad, halkaas oo ay marti ugu ahaayeen Arbacada.

Amorim ayaa wareysi uu siiyay shabakadda Sky Sports ee Ingiriiska, kadib ciyaarta, wuxuu yiri: “Waan ka xumahay taageerayaasha, waan ka raalli-gelinayaa waxa dhacay, waxaan ku jirnay xaalad jahawareer ah garoonka, mana garanayo sababta, waxaan ku bilownay ciyaarta anagoo aan lahayn wax diirad ah.”

Tababaraha Manchester United ayaa intaas ku daray, “Runtii waan ka xumahay taageerayaasha, waxay na siiyeen taageero aan la qiyaasi karin, ma ahan maanta kaliya. Khaladka ka yimid goolhayaha maanta? Anigoo si weyn u ixtiraamaya, marka aad ka dhacdo koox ka tirsan heerka afaraad, ma ahan goolhayaha kaliya ee mas’uul, laakiin waa dhammaan wax walba.”

Amorim ayaa sii waday, “Kooxda ugu fiican ayaa maanta guuleysatay, ciyaartoyda ugu fiican ayaa khasaaray. Isku khaladaadkii xilli ciyaareedkii hore? Waxaan u maleynayaa in taas ay tahay dhibaato, way adagtahay in la hadlo gaar ahaan marka aad guuldaraysato”

Wuxuu sidoo kale sheegay, “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii aan u hagaajin lahayn xaaladda, ciyaar ayaa na sugaysa dhamaadka toddobaadka, kadibna waxay jiri doontaa fasaxa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here