Mourinho Oo Qiimeeyay Fursadaha Chelsea Ee Ku Guulaysiga Champions League

0
9

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Tababaraha Benfica, Jose Mourinho, ayaa sheegay in Chelsea ay haystaan awooddii ay ku hanan lahaayeen Champions League xilli ciyaareedkan.

Mourinho oo la hadlayay saxaafadda kahor inta uusan ku laabanin Stamford Bridge si uu ula ciyaaro kooxdiisii hore habeenka Talaadada, ayaa muujiyay ixtiraam uu u hayo Blues, isagoo qiray tayada kooxda haatan.

Si kastaba ha ahaatee, Mourinho oo 62 jir ah, wuxuu digniin u diray Chelsea, isagoo sheegay in Champions League ay aad uga adag tahay in la guuleysto marka loo eego Club World Cup.

“Champions League waa tartan kale—xitaa haddii aad koox fiican tahay, guusha kuma imanayso si fudud. Waa heer kale oo adag,” ayuu yiri Mourinho.

“Champions League waa aad uga adag in la guuleysto marka loo eego Club World Cup,” ayuu yiri Jose Mourinho.

“Laakiin Chelsea waxay haystaan awoodooda. Ma arko sabab lagu yiraahdo fursad ma haystaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here