Mohamed Salah Oo Taariikh Xasuusiyay England

0
19

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa sameeyay taariikh kadib markii uu gool dhaliyay kulankii ugu dambeeyay premier League.

Salah ayaa bar-baraha u dhaliyay kooxdiisa isaga oo ka caawiyay in ay guuldaro ka badbaado maalinta ay u dabaal-dagayso horyaalka.

Salah ayaa dhaliyay goolkiisii 29-aad ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan waxana uu sidoo kale caawiye ka noqday 18 kale.

Sidaas darteed waxa uu bar-bareeyay rikoodhka ku lug lahaanshaha ugu badan xilli ciyaareed premier League ah.

Salah ayaa bar-bareeyay rikoodhka oo ay dhigeen halyeeyada Andy Cole (1993-94) and Alan Shearer (1994-95).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here