Mohamed Salah oo Isku Qoray Taariikhda Horyaalka Premier League

0
56

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Xiddiga kooxda Liverpool  ee Moha Salah ayaa kooxdiisa ku hogaamiyay guul aad u xiiso badan kadib markii ay 4-2 kaga badiyeen kooxda Tottenham, ciyaar ka tirsaneyd tartanka horyaalka Horyaalka Premier League ee dalka Ingiriiska.

Kooxda Liverpool ayaana goolasha waxaa u dhaliyey xiddigaha kala ah Moha Salah, Andy Robertson, Cody Gakpo iyo Harvey Elliott.

Mohamed Salah ayaa xili ciyaareedkan sare u qaaday goolashiisa horyaalka Premier League wuxuuna dhaliyey 18 gool halka uu 10 kale caawiyay ka noqday.

Moha Salah waa ciyaartoygii ugu horeeyay ee taariikhda horyaalka Ingiriiska ee 10 gool iyo wax ka badan ka dhaliyay isla markaas caawiyay 10 kale 3 xilli ciyaareed Oo xiriir ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here