Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Mikel Arteta ayaan hubin haddii Thomas Partey uu taam u noqon doono kulanka Arsenal ee Champions League ee ay la ciyaari doonaan Real Madrid habeenka Arbacada.
Partey ayaa gool u dhaliyay Arsenal kulankii ay barbaraha 1-1 la galeen Brentford sabtidii, laakiin waxa lagu qasbay inuu baxo xilli ay ka harsan tahay 20 daqiiqo.
Arteta ayaa xaqiijiyay ciyaarta ka dib in ciyaaryahanka reer Ghana uu dhaawacmay isla markaas ay ahayd in la badalo.
Arsenal ayaa haatan ka walaacsan taam ahaanshaha Partey ka hor kulanka lugta labaad ee sideed dhamaadka Champions League ee Real Madrid Arbacada.
“Ma aanan fileyn in arrinta Thomas ay tahay inaan badalno”ayuu Arteta yidhi.
“Waxa uu dareemay wax sidaa darteed ma aanan dooneynin inaan wax khatar ah gelino”.
“Ma garanayno [cilad-sheegashada], weli lama hadlin dhakhaatiirta. Markaa hadda way hubin doonaan oo ay eegi doonaan sida uu yahay.”