Mikel Arteta Oo Ka Jawaabay Dalabkii Uga Yimid PSG

0
61

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Paris Saint-Germain ayaa buuq ku abuurtay Arsenal markii ay soo baxeen in ay wada-hadallo la yeelatay tababare Mikel Arteta oo ay doonayso inay u magacowdo macallinkeeda cusub, isla markaana kasoo afduubato Arsenal, laakiin tababaraha reer Spain ayaa isaguna warkiisa caddeeyey.

PSG oo raadinaysa tababare ayaa waxa diiraddeeda soo galay Mikel Arteta oo muddo kooban usoo ciyaaray, waxaana la sheegaya in Luis Campos uu si toos ah ula hadlay oo ay sheekaysteen Arteta, una bandhigay damaca kooxdiisa ee ah in ay u magacaabaan tababaraha cusub ee hoggaamin doona xilli-ciyaareedka dambe.

Chistophe Galtier ayay PSG shaqada ka eriday isaga oo xilka hayay 12 bilood oo kaliya, waxaana uu shaqada ka  dhaxlay Mauricio Pochettino.

Sida uu qoray wargeyska Metro, tababare Mikel Arteta ayaa us heegay kooxda uu sannadka usoo ciyaray ee PSG in uu ixtiraamayo heshiiska uu kula jiro Arsenal oo uu dhibu-dhis ku samaynayo, isla markaana aan la joogin waqtigii uu ka tegi lahaa.

41 jirkan ayaa waxa uu intaa ugu daray, in aanu qorshihiisa ku jirin in uu waqtigan ka tago Emirates Stadium oo uu ka shaqaynayo sidii uu ugu diyaarin lahaa xilli ciyaareedka dambe isaga oo dhowaanna u saxeexay heshiis  cusub oo waqti dheer ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here