Mikel Arteta Oo Ka Hadlay Wararka La Xidhiidhinaya Declan Rice

0
121

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka hadlay xiddiga lala xidhiidhinayo kooxdiisa ee Declan Rice.

Arsenal ayaa si weyn loola xidhiidhinyaa Xiddiga khadka dhexe ee Rice kaas oo ay kooxdu doonayso in ay ku xoojiso kooxdeeda xilli ciyaareedka dambe.

Gunners ayaa ilaa haatan laga diiday laba dalab oo ay ku doonayso xiddiga khadka dhexe iyada oo qiimayaashaas ka hooseeyeen midka ay West Ham doonayso.

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka hadlay xiddiga Rice iyo wararka la xidhiidhinaya xiddiga reer England.

Arteta oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waan ka xumahay laakiin kama hadli karo ciyaartoyda aan kooxda joogin. Waxaan doorbidayaa inaan faallo ka bixin”

Arsenal ayaa la filayaa in ay dalab 3-aad ka gudbiso xiddiga Rice iyada oo uu Arteta si aad u doonayo in uu ku xoojiyo kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here